U bood dhigaalka

Diyaaradaha Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal oo la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay deegaanno ku dhaw degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa u sheegay Goobjoog News in duqeyntan oo dhacday xalay saq dhexe iyo sidoo kale waabarigii hore ee saakay ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Meelaha ay duqeynta ka geysanayaan diyaaradahan ayaa la sheegay inay ku tuhmayaan dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Khasaaraha guud ee duqeyntan weli lama sheegin inta ay la egtahay, waxaana deegaannada diyaaradahan duqeeyeen ka socda barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah.

Diyaaradaha Kenya ayaa inta badan duqeymo ka geysta gobolka Gedo, waxaana khasaaraha ugu badan ay soo gaarsiiyaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News