U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka J/dhexe

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay duqeyn xooggan ka geysteen deegaanka War-dhoobley ee gobolka Jubada Dhexe.

Deegaankan oo qiyaastii 45-km u jira degmada Bu’aale oo xarun u ah gobolkaasi ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay dagaalyahannada Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan, hase yeeshee waxay duqeyntan timid kadib markii Al-shabaab ay dib u fasaxeen Isgaarsiinta gobollada Jubooyinka oo in ka badan Todobaad hawada ka maqnaa.

Deegaanka duqeyntan ay ka dhacday waxaa tagey dagaalyahanno kale oo Al-shabaab ah kuwaasi oo halkaa ka wada sida la sheegay baaritaanno.

Weli lama oga dalka laga leeyahay diyaaradahan duqeynta ka geystay gobolka Jubada Dhexe, hase ahaatee marar badan sidan oo kale waxaa loo duqeeyey saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobollada Jubbooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News