U bood dhigaalka

Doorashada Mareykanka Oo Bilaabaneysa Maanta, Fursado Noocee Ah Ayey Murashaxiinta Heystaan?

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka waxaa maanta ka dhacaya doorashada madaxtinimada, ilaa 200 oo Milyan ayaa kala dooran doonta Dolland Trump iyo Hillary Clinton.

Saadaalinta waxaa ay hadda Hillary Clinton ka horeysaa Dolland Trump ilaa 5 dhibcood, waxaa intaa dheer Clinton waxaa ay heshay taageerada FBI-da oo ku sheegtay in aan wax dambi ah ku gelin Hillary fadeexaddii Emailkeeda.

Sida lagu qoray wargeyska afka dheer ee Washingtonpst, Clinton waxaa ay ku horeysaa Electoral College oo ah guddiga sidoo kale dooran doona madaxweynaha Mareykanka, 275 cod ay ka heysataa 538 cod oo ah tirada guud halka Trump uu heysto 215, tirada loo baahan yahay in murashaxa uu helo si uu u guuleysto waa 270.

Dhinaca Dolland Trump waxaa neceyb gaar ah u qaadey dadka Muslimiinta ah oo 1 Milyan oo ka mid ah ay maanta codeyn doonaan, waxaa intaa dheer bulshada Latinos-ka loo yaqaano, Haweenka iyo Afrikaan American.

Dolland Trump haddii uu ku guuleysto waxaa uu noqon doonaa Madaxweynihii ugu da’da weynaa ee soo mara dalka Mareykanka, waxaa uu kaloo noqon doonaa madaxweynihii ugu dheeraa.

Hillary Clinton haddii ay jagadan hesho waxaa ay noqon doontaa haweneydii ugu horeysay ee xilkan hesha, waxaa kaloo ay tagi doontaa iyadoo madaxweyne ah aqal ay 8 sano ku nooleed iyadoo marwada koobaad ah.

Goobjoog News