U bood dhigaalka

Dowladaha Carabta Oo Soo Dhoweeyay Isku Soo Dhawaashaha Taariikhiga Ah Ee Labada Kuuriyada

Sheeko:Dalka

Dowladaha Qatar, Kuwait, Baxreyn, Suudaan iyo Falastiin ayaa soo dhoweeyay kulankii Taariikhiga ahaa oo ay yeesheen shalay oo Jimco aheyd hoggaamiyeyasha labada Kuuriye oo kala ah Kim Jong-un iyo Moon Jae-in.

Labada hoggaamiye ayaa waxaa ay muujiyeen isku soo dhowaasho labada dal ah, waxaa ayna qabteen shalay wareeggii koowaad ee wadaxaajoodka kaasi oo ahaa shirmadaxeed Taariikhi ah, waxaa uuna socday kulankooda ku dhowaad 100 daqiiqo.

Waxaa ay isku raaceen labada hoggaamiye in la qabto wadahadal Millatari oo heer sare ah kaasi oo lagu wado in la qabto bisha soo socota laguna yareeyo colaadda ka dhaxeysa labada waddan.

Arrintaan ayaa waxaa soo dhoweeyay dowladaha Carabta iyaga oo sheegay in meesha ay ka baxeyso dhibaatadii gobolka isla markaasna ay isku furmayaan labada dal.

Goobjoog News