U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Hakisay Qaadkii Ka Imaan Jiray Kenya

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in si KMG ah u joojisay dhammaan duulimaadyada qaadka ee imaan jiray Soomaaliya kana imaanaya dalka Kenya.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in laga billaabo maalinta berri ah 6-da September ay si KMG ah u joojiyeen duulimaadyadaasi.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in daruufo aanu shaacin oo jira awgood ay si KMG ah u joojiyaan qaadka ka imaanayey Kenya, wuxuuna ka gaabsaday wasiirka inuu sheego sababta arrintaasi keentay balse wuxuu sheegay inay dib  kasoo sheegayaan.

Maalin walbo in ka badan 10 diyaaradood ayaa qaad ka keeni jiray dalka Kenya, waxaana ganacsatada Kenya ee qaadka heli jireen lacag aad u badan.

Tani waxay noqon doontaa dharbaaxsho lama filaan ah ganacsiga qaadka Kenya, maadaama ay horay u jireen dalal qaadka isma maamnuucay sida dowladda Britten.

Goobjoog News