U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ka Hadashay Shacbkii Ay Gobolka Baay Ku Dileen Ciidanka Itoobiya

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa looga hadlay falkii shalay ciidanka Itoobiya ku dileen dad shacab ah.

Wasiir Maareeye ayaa qoraalkiisa ku sheegay ugu horreen inuu tacsi u dirayo dadkii shacabka ahaa ee dhintay, dhanka kale waxa uu sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatada soo gaartay dadkaasi.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:- 

Warsaxaafadeed:- Muqdisho – Soomaaliya, 19 July 2016 Dawladda Soomaaliya waxay ka tacsiyaynaysaa Dadka Shacabka ah ee ku waxyeeloobey (ku dhintay ama ku dhaawacmey) Awdiinle.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya waxeey tacsi u diraysaa Qooysaskii iyo Qaraabadii ay ka baxeen Dadkii Shacabka ahaa ee ku dhintey Deegaanka Awdiinle ee Gobalka Bay,waxaana Dawladdu aad uga xuntahay Dhimashada soo gaartay Muwaadiniintaas.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS Mudne Maxed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in dhacdadaani ay timid ka dib markii kooxda argagixisada ah ee Shabaab ay ka gabaad ka dhigteen dad Shacab ah iyagoo Rasaas ku furay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo goobta ku sugnaa taas oo sababtay in uu qarxo Dagaal toos ah ayna ku dhinteen 14 Qof oo u badan dad Shacab oo ku sugnaa halkaas.

Wasiirku wuxuu canbaareeyay dhaqamada nuucan ah ee Argagixisadu ay Gabaadka uga dhiganayaan Goobaha Shacabka, wuxuuna intaas raaciyay in Dawladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii looga fogaan lahaa in ay waxyeelo kasoo gaarto Dadwaynaha waqtiyada Dagaalka lagula jiro Alshabaab, laakiin wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay is abaabulaan oo iska difaacaan argagixisada kana diidaan in ay gabaad ka dhigtaan guryahooda iyo goobaha dadku ku badan yahay.

Dawladda Soomaaliya waxaa ay baaritaan rasmi ah ku samayndoontaa Dhacdada Awdiinle oo ahayd mid nasiib darro ah, waxaana baaritaankaas ka qayb qaadan doona AMISOM iyo Koofur-galbeed.

Dawladdu waxaa ay si isdaba joog ah ugu tartarsiisay Saraakiisha Amisom iyo kuwa Soomaaliya in ay ka feejignaadaan waxyeelo kasoo gaarta Shacabka Dagaalka ay kula jiraan Argagixisada oo ah Cunsur utaagan in ay waxyeelo gaarsiiyaan Qofkasta oo Soomaali ah.

Dhamaad.