U bood dhigaalka

Ergeyga  QM ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo Shaqadiisa Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Waxaa shaqadiisa Talaadadii soo afjaray ergeyga QM ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo  in ka badan 2 sano ka shaqeynayey gudaha Soomaaliya isagoo sidoo kale ahaa Madaxa UNSOM

Nicholas Kay waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay barnaamijka Hiigsiga 2016 uu bilowday waxyar kadib magacaabistiisi, waxaa kaloo lagu xasuustaa xiriirka uu la lahaa Maamul Goboleedyada dalka.

Nicholas Kay waxaa uu cadaadis saari jiray dowladda iyo Maamullada isagoo inta badan shaqo ka dhigtay hirgalinta Hiigsiga 2016-ka.

Nickolas Kay ayaa Xilkan ku wareejiyay Danjire Michael Keating oo noqonaya Danjiraha Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya.

Goobjoog News