U bood dhigaalka

Faafaxdhuun Oo Ay Ka Taagantahay Xaalad Bani’aadannimo

Sheeko:Dalka

Roobab xoog leh oo ka da’ay degaanka Faafaxdhuun oo ka tirsan degmada Baardheere ayaa saameyn waxay ku yeesheen Qoysas badan oo deganaa Faafaxdhuun,iyadoo dadka deegaankuna ay sheegayaan In ay ku jiraan xaalad go’doon oo aysan jirin wax gaadiid ah oo soo galaya iyo wax ka baxaya intaba Muddo labo todobaad ah.

Maxamed Duurow oo ah Madaxa Arimaha Bulshada deegaanka Faafaxdhuun oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay  in xaaladda nololsha dadka deegaanka ay haatan mareyso meel halis ah,isagoona sheegay roobabkii xoogga lahaa  ee da’ay in ay sababeen Tog weyn oo mara faafaxdhuun in uu biyo daadad ah uu ku soo rogey guryo ka sameysan cooshado islamarkaasna dadkii lahaa guryahaas ay banaaka Jiifaan

Waxaa uu baaq u soo jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya in gargaar bini’aadannimo  lala soo gaaro dadkan,waxaa uu intaas ku daray in Jidadka Faafaxdhuun ay yihiin kuwo xiran.

Goobjoog News