U bood dhigaalka

Faah Faahin: 7 Qof Oo Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Buundo weyn ee magaaladaasi, waxaana la sheegay in lagu tuuray askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa.

7 Qof oo shacab u badan ayaa halkaasi ku dhaawacmay, waxaana dadka dhaawacmay ku jira sida la sheegay haween halkaasi caano ku iibinayey.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib halkaasi ka sameeye howlgallo lagu baarayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Magaalada Baladweyne waxaa maalmahan dambe kusoo badaneyey falal amni darri ah, waxaana magaalada ka dhacay dilal qorsheysan.

Goobjoog News