U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada Warta Nabadda Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la arkayey ciidamada oo xaafadaha degmadaasi ka kooban tahay ka kaxeynaya dad badan, kuwaasi oo meel fagaare ah isugu geynaya.

Maamulka degmada Wardhiigley iyo saraakiishii hoggaamineysay ciidamadan wax war ah kama aanay soo saarin howlgalkaan iyo sidoo kale haddii ay jirto dad si gaar ah loogu qabtay.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Warta Nabadda ayaa inoo sheegay in dadka markii hore la isugu keenay meel barxad ah, kadibna lasii kala saarayey, balse inooma sheegin haddii ay jiraan dad ay ciidanka ka xeysteen.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii maalin kahor degmadaasi lagu weeraray gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda, halkaasi oo khasaare dhaawac uu ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News