U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Qarax Lagula Eegtay B/weyne

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gelinkii hore ee maanta ciidamo ka tirsan Itoobiya lagula eegtay duleedka magaalada Baladweyne.

Kolonyo ay ciidankaan la socdeen ayaa la sheegay In Miino nooca dhulka lagu aaso ah lagu qarxiyey xilli ay damacsanaayeen in gudaha usoo galaan magaalada Baladweyne.

Waxaa jira waxyeello soo gaartay ciidamada Itoobiya ee qaraxn lala eegtay, hase ahaatee weli lama shaacin inta khasaarahaasi la egyahay.

Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Itoobiya, iyadoo aaney jirin waxyeello la sheegay in rasaastaasi ay ka dhalatay.

Xaaladda halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid deggan, welina maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada Baladweyne wax war ah kama aaney soo saarin qaraxaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News