U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dibadbax Looga Soo Horjeedo Shirka Jowhar Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Dibadbaxaan oo ahaa mid ay dibadbaxayaashu socod dhaadheer ku soo marayeen waddooyinka magaalada Baladweyne ayaa looga soo  horjeeday shirka maamul u sameynta magaalada Jowhar oo dhowaan la filayo in uu ka furmi doono magaalada Jowhar.

Dadkii dibadbaxayay ayaa u badnaa magaalada Baladweyne maanta haween iyo carruur kuwaas oo ku qeylinayay raali kama nihin furitaanka shirka maamul u sameynta labada gobal.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen in aysan ka qeyb gali doonin shirkaasi, waxaana dibadbaxaan lagu taageerayay go’aanka qaar kamid ah duubabka dhaqanka ay kaga soo horjeesteen qabsoomidda shirka maamul u sameynta.

Dadkii dibadbaxa sameynayay ayaa sheegay in marnaba aysan qaadan doonin wixii ka soo baxa shirka Jowhar lagu qaban doono ee maamul u sameynta ah, waxayna wateen boorar qoraallo diidmo ah lagu soo xardhay iyo mikrafoonno.

Ugu dambeyntii, siyaasiyiin iyo haween qeyb ka ahaa dibadbaxa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa la hadlay dadweynihii dibadbaxa waday waxayna sheegeen in gobalka Hiiraan uu isku tashanayo.

Dowladda federaalka iyo urur gobaleedka IGAD ayaa weli ku guuleysanin qancinta qaar kamid ah ugaasyada reer Hiiraan oo iyagu diiddan ka qeybgelidda shirka ka furmaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoog News