U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Degmada Qandala Ee Bari

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado dagaal oo gelinkii dambe ee shalay duqeyn ka geystay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno sheegay iney ka tirsan yihiin Daacish.

Diyaaradahan ayaa la xaqiijiyey iney kasoo dul kaceen Maraakiib dagaal oo habeen kahor kusoo dhowaadey degmadaasi, waxaana ay bartilmaameed ka dhigteen meello ay deganaayeen dagaalyahannadan.

Dad ku dhow degmada Qandala ayaa u sheegay Goobjoog News, iney maqleen dhawaqa gantaallo xooggan oo ay ridayeen diyaaradaha.

Lama oga khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay, iyadoo shacabka intiisa badan ay ka barakaceen degmada Qandala.

Dhanka kale waxaa saakay lasoo sheegayaa in ciidamada maamulka Puntland ay kaabiga ku hayaan degmada Qandala, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaasi sheegeen in si awood ah kula wareegi doonaan degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News