U bood dhigaalka

Faah Faahin: Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Iyo Walaalkiis Oo Lagu Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah Faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyahii gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Sheekh Cali iyo walaalkiisa.

Rag hubeysan islamarkaana watay gaari ayaa la sheegay iney guddoomiyaha iyo walaalkiis ku dileen xaafadda carafaad, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay iney maqleen rasaas xooggan oo mar qura dhacday, kadibna ay arkeen Labadan qof ee la diley.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagay halka dilka uu ka dhacay ee xaafadda Carafaad ayaa sameeyay howlgallo baaritaanno ah, mana jirto faah faahin laga bixiyey howlgalkaasi.

Guddoomiyaha la diley ayaa maalmahan dambe wuxuu magaalada Muqdisho u joogay howlo shaqo.

Goobjoog News