U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qaraxii Ka Dhacay Wadajir Iyo Mas’uuliyiin Dhaawac Ah

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari loo adeegsaday oo goor dhow ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Warar hordhac ah oo ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen dad ka badan 5 iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 15 kale.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in qaraxan laga soo buuxiyey gaari nooca loo yaqaano Homey, waxaana gaarigaasi saarnaa qudaar, wuxuuna ku qarxay meel ku dhow xarunta degmada Wadajir.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira sida la sheegay guddomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laaahi Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo degmada ka tirsan.

Khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa intaasi ka badan karo, iyadoo dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana baraha ay ku leeyihiin Iternetka ku sheegeen iney waxyeello soo gaarsiiyeey mas’uuliyiin dowladda ka tirsan waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News