U bood dhigaalka

Faah Faahin: Taliye Ciidan Oo Lagu Diley Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dileen taliyahii xerada Inji ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyahan ayaa lagu magacaabayey Qaleey Yuusuf, waxaana la sheegay inuu ka baxay xerada, kuna sii jeeday hoygiisa.

Ragga wax dilay oo wejiyada u duubnaa ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada Puntland oo howlgallo sameeyay.

Saraakiisha ammaanka magaalada Gaalkacyo weli kama aanay hadal dilkaan ka dhacay Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News