U bood dhigaalka

Faahfaahin ku saabsan qaraxa maanta ka dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka
Kismaayo
Kismaayo

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta qaraxii maanta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay kolonyo ka tirsan AMISOM oo marayay wadada Af madow.

Wariyaha Goobjoog FM ee Kismaayo ayaa sheegay in afar ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Ciidanka AMISOM ayaa rasaas ku furay qaraxa kadib dad ka ag dhawaa goobta mashaqadu ka dhacday taas oo sababtay in ay ku dhaawacmaan 8 ruux oo rayid ah.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa loola cararay isbitaalka guud ee Kismaayo si loogu dabiibo halkaas.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso isla markaana laga hago aalada remote Kontoroolka.

Ciidamo ka socda dalalka Burundi, Siiraaliyoon,Kenya iyo Itoobiya oo qeyb ka ah howl galka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ku sugan gobolada Jubbada hoose , Jubbada dhexe, Gedo , Baay iyo Bakool.