U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Ka Hadashay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno kala duwan oo iskugu jira kuwo hore uga tirsanaa baarlamaankii 9-aad iyo kuwo hadda ka tirsan baarlamaanka 10-aad ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay doorashadii guddoonka Golaha Aqalka Sare ee shalay magaalada Muqdisho ka dhacday.

Xildhibaannada ayaa guud ahaan  soo dhaweeyay guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid hididiilo cusub gelinay ummadda Soomaaliy

Aadan Sidiiq Maxamed oo Horey uga tirsanaa baarlamaankii sagaalaad ahaana guddoomiyaha guddigii hoosaadka garsoorka iyo cadaaladda oo Goobjoog u sheegay:

“Waxay ahayd runtii doorasho si xor ah u dhacday ummadda Soomaaliyeed oo dhanna farxad gelisay, waxaan u dirayaa hambalyo kal iyo laab ah waxaan leeyahay xilka aad qaaddeeen Alle ha idiin fududeeyo, waxaan leeyahay Golah Shacabka waxay nasiib u heleen Aqal Sare oo lasoo dhameystiray oo ay isla jaanqaadaan, waxaan leeyahay kuwii is fahma ee ummadda Soomaaliyeedna guul u horseeda Alle ha idinka dhigo”.

Waxa uu ka hadlay aqoonta gaar ahaaneed ee uleeyahay guddoonka cusub:

“Waxaan aqaanna guddoomiyaha Cabdi Xaashi oo in badan ku soo jiray golaha shacabka, Soomali oo dhanna ay taqaanno, waxaa kale oo aan aqaanna Abishi Bukhaari oo ah nin aad iyo aad u wanaagsan oo aan saaxiibbo nahay, ahna runtii xubin firfircoon oo ummadda Soomaaliyeed waxbadan kusoo kordhin doona, sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka Labaad nimaan is naqaanno maaha laakiin waxaan is leeyahay  inuu kartaada leeyahay, raggaas howl culus ayaa loo doortay iyagaa la rabaa Soomaali oo la garan karo meesha ay tallo iney ka saaraan”.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka ayaa isna aad u soo dhaweeyay guddoonka cusub, hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa:

“Doorashada maanta(shalay) dhacday ee lagu soo afjaray doorashada guddoonka Aqalka Sare, runtii waxaan dhihi karaan ummadda Soomaaliyeed waxa u muuqanayay bisaylka siyaasadeed ee maanta la marayo iyo cododka qaabka ay u dhacayeen dadka tartamaaya kulli runtii waxay muujineysay mid dhiirigelin kara, dadka dalka oo laga filan karo inta maanta nasiibka u yeelatay”.

 Ibraahim Saalax Dayfallaah oo isna ka mid ahaa xubnaha baarlamaankii 9-aad, ahaana xoghayihii guddi hoosaadka horumarinta dastuurka, ayaa xusay in markii hore uu aad uga shaki sanaa Golaha Aqalka Sare, laakiin hadda uu ra’yigiisii horey ay wax iska bedeleen kadib doorashada guddoonka cusub:

Xoghayihii guddiga horumarinta dastuurka ee baarlamaanka 9aad

“Maanta waa maalin farxadeed oo ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay, Aqalka Sare waxaan u arki jiray inuu yahay caqabad ku soo korortay ummadda Soomaaliyeed, laakiin markii ay maanta soo baxeen dadkii aan aragnay ee guddoomiyaha loo doortay Cabdi Xaashi oo ah oday Soomaaliyeed oo Soomaalinimadu ku weyn tahay waddani ah oo Soomaalidoo dhani taqaanno, ninkaas oo kale inuu noqdo hoggaanka Aqal nagu cusub oo aan is lahayn muxuu noqon doonaa, waxaan Illahay uga mahadcelinayna, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Abshir “Bukhaari” oo ah nin dhalinayo ah oo mutacallim ah, saxaafaddana ka soo shaqeeyay gudaha iyo dibaddaba, aqoon fiican leh, taariikhda Soomaaliya aad u yaqaanna, marka aan maqalnay inuu soo baxay farxad weyn ayay noo ahayd, Mowliid oo isna ah oday Soomaaliyeed oo dowlad yaqaan ah, hoggaanka meeshaa ka soo baxay waa hoggaan aan is leeyahay waa hoggaan hoggaamin kara Aqalka Sare”.

Maalinimadii shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka Golaha Aqalka Sare oo dhameystiran, guddoomieyha Cabdi Xaashi Cabdillaah, guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Abshir Maxamed Axmed, guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mowliid Xuseen Guhaad.

Goobjoog News