U bood dhigaalka

Fanaanad Shamso Daadsan oo Muqdisho Ku Geeriyootay

Oktoobar 14, 2022

Allah unaxariistee  waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd Shamso Maxamuud Xirsi oo loo yaqaan (Shamso Daadsan ) oo muddooyinkaan dambe xanuunsaneyd.

Shamso ayaa salaaddii   Jimce Kadib ku geeriyootay hoygeeda oo ku yaalla  Ex-fiyoore ee Degmadda Waardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana ay kamid aheyd  Hoboladda  Qaran ee Waaberi .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka  Cabdullahi Xayir Ducaale oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuumad shamsa maxamuud xirsi Daadsan.

Goobjoog News