U bood dhigaalka

Galmudug: Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigey Shaqsi Dil Geystay

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Galmudug ayaa howlgal aay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee Koonfurta gobolka Mudug, waxay kusoo qabteen nin maalin kahor qof shacab ah dil u geystay isla deegaankaasi.

Ruuxa la diley ayaa u shaqeynayey hay’adda ICRC sida uu Goobjoog News u sheegay taliye ku xigeenka Booliiska degmada Cadaado Cumar Macallin Cali oo ka warbixinayey howlgalka ay ninkaasi kusoo qabteen.

Waxa uu sheegay in ninka dilka geystay oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Aadan ay ku hayaan saldhigga degmada Cadaado , kadib markii dabagal ay ku sameeyeen ciidamada Booliiska.

“Meesha dilka ka dhacay waxay Cadaado u jirtaa 195 Km, ciidan Booliis ah waxay ka baxeen halkaan, dabagal dheer kadibna ninka gacan ku dhiiglaha ah waan soo qabannay, hadda saldhigga degmada ayaa lagu hayaa, maxkamad ayaa la geynayaa, kolley wixii ay isku gartaan Labada reer ayuu xukunka noqon doonaa” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Caddaado.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in amniga deegaannada Galmudug uu yahay mid la isku haleen karo, islamarkaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ciidamada Galmudug, dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News