U bood dhigaalka

Galmudug: Guddiga Doorashada Oo Diiwaangeliyey 969 Ergo

Sheeko:Dalka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Galmudug ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen 969 ergo oo dooranaya 19 xildhibaan oo kamid ah xubnaha aqalka hoose ee dowladda Federaalka.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud oo xalay saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah kaararka aqoonsiga loo qeybin doono ergada diyaarka ah, islamarkaana ay billaabi doonaan doorashada kuraasta ah.

“Waxaan u gudbeynaa doorashada aqalka hoose, kuraasta laga rabo aqalka hoose ee Galmudug, waxaa guddiga soo gaarey oo diiwaangelinta dhammaatay 19 kursi, laga billaabo Arbacada waxaa kaarka aqoonsiga la siinayaa 19-kaas kursi ergooyinkii ku qornaa”

Afhayeenka ayaa tilmaamay in musharraxiinta 19-ka kursi ay billaabi karaan is diiwaangelinta.

“Musharraxiinta 19-ka kursi waxay iska soo diiwaangelinayaa xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug, isbuucyada soo socotana waxaa bilaaban doonta doorashada aqalka hoose, waxaana rajeyneynaa musharraxiinta iyo ergooyinka howshaan ku billaabaneyso in si wanaagsan isku soo diiwaangeliyaan”

Ugu dambeyn afhayeenka guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa sheegay in dib loo dhigi doono kursiga lasoo gudbin waayo waqtigii loogu talogalay.

Wadarta guud ee ergooyinka dooranaya 36 xildhibaan oo ka imaanaya deegaannada Galmudug ayaa ah 1836 qof.

Guud ahaan gobollada dalka ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada aqalka hoose, iyadoo ay jiraan musharraxiin badan oo loolan ugu jira kuraastaasi.

Goobjoog News