U bood dhigaalka

Galmudug: Haweenka Ma Duudsiin Doonno Saamigooda Baarlamaanka Ee 30%

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Galmudug Daahir Faarax Fiidow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyar u yihiin inay fuliyaan dalabka haweenka ee ah in ay 30% ka helaan baarlamaanka cusub ee Federaalka, dhanka Galmudugna ay haweenka xaqa ay leeyihiin siinayaan.

Waxa uu sheegay in muddo badan laga tashanayey in haweenka ay helaan saamiga ay ku leeyihiin baarlamaanka Federaalka Soomaaaliya, islamarkaana maaamulka Galmudug uu si cad haweenka xaqooda u siinayo.

“Dadaallada noocaan ah horay bay u jireen, annaga wey naga go’an tahay in haweenka helaan tiradooda, waxaan waa wax awood qeybsi ah, annaga mas’uuliyadda na saaran ayaa ah inaan ilaalino tirada xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka soo socda” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Galmudug.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in 30% ay ka helaan kuraasta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee soo socda.

Waxaa jira haween ku shiray meello ka mid ah gobollada dalka, islamarkaana ku baaqay in aan la duudsiin saamigooda.

Goobjoog News