U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ku Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Ka Barakacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in xaalad bini’aadannimo ay ka jirto magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan dadka ku sugan duleedyada magaaladaasi.

Galmudug ayaa sheegtay iney aad uga xunyihiin xaaladahan soo wajahay shacabka ku nool gobolka Mudug, gaar ahaan kuwa Gaalkacyo.

Maamulkan ayaa ugu baaqey hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah ay la  gaaraan dhammaan dadka ka barakacay magaalada Gaalkacyo ee ku sugan hareeraha magaalada, halkaasi oo dadkan ay ku haysato hoy, Biyo iyo cunto la’aan.

Galmudug ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka iney ka qeybqaataan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay dagaallada Gaalkacyo.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:

Goobjoog News