U bood dhigaalka

Galmudug Oo Soo Dhowesay Heshiis Ku Saabsan Tayeenta Waxbarashada Oo Ay La Gashey Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay heshiis ku saabsan tayeenta waxbarashada oo ay la saxiixdeen wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in heshiiskan uu kala qeexayo waxyaabaha Galmudug awoodda u leedahay iyo sidoo kale waxa dowladda laga doonayo.

Guureeye ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiskan ay waxbadan ka faa’idi doonaan dhammaan ardayda ku sugan deegaannada Galmudug.

“Waa heshiis aad u wanaagsan, waxaan isla garannay tayeeynta waxbarashada, sidoo kale waxaan kala ogaannay waxa annaga xaqa u leenahay iyo sidoo kale waxa dowladda Federaalka laga doonayo, guud ahaan shacabka Galmudug waxaan leeyahay heshiiskan waa guul weyn” ayuu yiri wasiir Guureeye.

Deegaannada Galmudug waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socotey dadaallo lagu hormarinayo waxbarashada asaasiga ah ee deegaannada  maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News