U bood dhigaalka

Galmudug Oo War Kasoo Saartay Go’aan Dhawaan Puntland Ka Gaartay Ganacsiga Uga Taga Gobollada Koonfureed

Sheeko:Dalka

Kulan maanta ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Galmudug ayaa looga hadlay arrimo ku aadan go’aan dhawaan kasoo baxay maamulka Puntland kaasi oo ku saabsan in magaalada Gaalkacyo lagu kala wareejiyo badeecadaha iyo ganacsiga u socda Puntland.

Waxa ay sheegeen golaha wasiirada Galmudug in arrintaasi ay u arkaan dhibaato loo horseedayo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana waxay ka digeen dhibaato soo gaaarto shacabka Gaalkacyo.

Waxay sheegeen in ka maamul ahaan ay ixtiraamayaan heshiiska Gaalkacyo ay dabayaaqada sanadkii tagey ku gaareen maamullada Galmudug iyo Puntland.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedkaa wasiirka

Gal1

Gal2

Goobjoog News