U bood dhigaalka

Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada xeebta bari ku taalla ee Boosaaso waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay ganacsade caan ka ahaa gobolka Mudug.

Xersi Aduunyo ayaa lagu dilay xarun uu ku lahaa magaalada dhexdeeda kadib si caadi ah ayey dableydii u baxsaday, arrintaas oo su’aalo badan ka keentay amaanka magaalada iyo shaqada hey’adaha amniga.

Wararka waxaa ay intaa ku darayaaan in marxuumka uu ahaa shirkad ganacsi oo aad looga yaqaano maamulka Puntland, ilaa iyo hadda cidna looma qaban.

Goobjoog News