U bood dhigaalka

Ganacsatada Gobolka Hiiraan Oo Puntland Ugu Baaqay Inay U Soo Fasaxaan Hanti Kaga Xayiran Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kadib kulan ay Baladweyne ku yeesheen ganacsatada gobalka Hiiraan ayaa waxay kaga hadleen xayiraadda Puntland ay ku soo rogtay isu gudbitaanka gawaarida ganacsi.

Qaar kamid ah ganacsatadaan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin tallaabada Puntland ay ku joojisay gawaaridii isaga kala gudbi jiray Koonfurta iyo waqooyiga dalka.

Waxay ku eedeeyeen maamulka Puntland in badeecado ay iyaga leeyihiin ay hortaagan yihiin inay kasoo gudbaan koontaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan uga baaqeynaa maamulka Puntland in go’aankaan uu degdeg uga noqdo, waxaana ururrada bulshada Puntland u sheegeynaa in dhibaatadaan ay meel uga soo wada jeesteen, maxaa yeelay aniga Xamar ayaa inooga dhow Boosaaso, haddii aad ku sii adkeysataan Boosaaso kitaab quraan ma ahan waan ka wareegsaneynaa idinka ayaana baahi u qaba” ayay yiraahdeen ganacsatada reer Hiiraan ee Baladweyne ku shiray.

Puntland waxay ka codsadeen in aan la kala xirin ganacsiga goballada Soomaaliya, iyagoo sheegay in dalka haddii sidaan uu ku sii socdo dib loogu laabanayo 1992.

Maamulka Puntland ayaa weli ku adkeysanaya in aysan jiri doonin baabuur ganacsi oo u kala gudbi doonta waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News