U bood dhigaalka

Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga

Sheeko:Dalka

Dhawaan waxaa baarlamaanka la horkeeney xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka kaasi oo balse dib loogu celiyey wasiirka caddaalada Cabdullaahi Ilkajiir, kadib markii xildhibaanada ay ka biyo diideen qabka loo maray xulista golahani.

Dhaliilaha Jira

Koow waxa ay su’aal ka keeneen sababta 9-ka xubnood ee uu golaha ka koobanyahay loo horkeeni waayay baarlamaanka sida uu sharciga qabo, oo kaliya loo horkeeney 7 xubnood oo kaliya.

Waxa kale oo jira labo qodob oo iska hor imanaya oo ku kala jira dastuurka iyo xeerka dhismaha golaha adeegga garsoorka, qodobkaasi oo marna sheegaya in Xeer Illaaliyaha Guud uu xubin ka noqonayo golaha, marna sheegaya in Garyaqaanka Guud uu yahay kan xubinta ka noqonaya golaha.

Wasaaradda Caddaalada waxa ay raacdey xeerka golaha ee sheegaya Xeer Illaaliyaha Guud, balse xildhibaanada qaar waxa ay tuhunsanyihiin in arrintaasi ay ku timid sabab siyaasadeed maadaamaa Xeer Illaaliyaha loo arko in uu xulufo la yahay madaxweynaha.

Sida uu sheegey mid ka mid ah xildhibaanada, xeerka golaha lagu dhisayo wali ma uusan saxiixin madaxweynaha, laguma soo saarin faafinta rasmiga ah, taasi oo haddii ay sax tahay ka dhigeysa sharci darro in golaha uu baarlamaanka meelmariyo.

Golaha waxaa xubno ka ah labo qof oo ay soo xulayaan ururka garyaqaanada Soomaaliyeed oo ay tahay in uu ahaado urur madax banaan, balse xildhibaanada waxaba ay su’aal ka qabaan in uu jiro urur ceynkaasi ah. Sidoo kale waxa ay wasiirka weeydiiyeen in uu keeno waraaqihii ay ahayd in uu madaxweynaha usoo saxiixo labadani xubnood.

Siyaasadda

Golahani waa kan ugu sareeya ee garsoorka dalka, waxaa golahani xubin ka ah oo gaarkeeda saameynta ugu badan u leh maxkamadda dastuuriga ah, taasi oo xilkeeda uu yahay in ay xaliso muranada dastuuriga ah ee dalka ka dhasha.

Waxaa ka mid ah in ay go’aan ka gaarto haddii madaxweynaha uu muddo kororsi sameysto, haddii ay arrin dastuuri ah isku qabsadaan madaxda dalka, iyo dabcan murunada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidaasi darteed waa arrin dadka siyaasadda ku lugta leh oo dhan ay isha ku hayaan, balse waxaa jira walwal ay ka mideysanyihiin oo ah qaabka loosoo dhisayo maxkamaddani.

Dhibka jira ayaa waxa uu yahay in golaha adeegga garsoorka ay iyagu yihiin kuwa soo dhisaya maxkamadda dastuuriga, oo hadhoow iskeed xubin oga noqon doonta golaha, tanina waxa ay micnaheedu noqon kartaa in hadba cidda xubnaha ugu badan ku leh golaha ay iyadu meesha keento cid allaale ciddii iyada taabacsan ee maxkamadda dastuuriga ah ay la rabto.

Bal u fiirso kuwa ay ka koobanyihiin golaha adeegga garsoorka oo iyagu soo magacaabi doona maxkamadda dastuuriga ah oo yeelan doonta awoodda kama dambeysta ah ee dastuuriga ah dalka Soomaaliya.

Magacyada Guddiga Adeega Garsoorka

  1. Mudane Caydiid C/laahi (Ilka-xanaf) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
  2. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
  3. Avv Maryam Xaaji Cilmi Maxamuud Ururka Garyaqaanada.
  4. Avv Shariif Sheekhunaa Maye Bulshada Rayidka ah
  5. Prof Ciise Axmed Warsame Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed
  6. Mudane Axmed C/laahi Xuseen Bulshada Rayid ah
  7. Sheekh Cismaan Ibrahim Axmed Bulshada Rayid ah

Waxaa halkani ka maqan guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka qaranka oo aanan wali la dhisin, tahayna in uu baarlamaanka soo dhiso iyo maxkamadda dastuuriga ah oo ay tahay in uu golaha soo magacaabo.

Haddii uu baarlamaanka ansixiyo golahani 7-da xubnood ka kooban waxa ay helayaan guntan ku filan oo ay go’aan ku gaaraan, codkana waxa uu u dhacayaa hal dheeri, waxayna dadka qaar farta ku fiiqayaan in marka loo fiirsado shaxda ay wax u dhacayaan hadba sida uu rabo madaxweynaha iyo taageerayaashiisa siyaasadda.

Garsoorka

Marka laga yimaado dhaliilaha iyo arrimaha siyaasadda, golahani waxa ay aad muhiim ugu yihiin dib u habeynta garsoorka dalka oo ay dhibaatooyin badan ka jiraan, dad aad u badana ay tabanayaan caddaalad daro badan.

Laga soo bilaabi maxkamadaha, xuquuqaha asaasiga ee muwaadhinka illaa in sharciga lala tiigsado madaxda dalka eek u tagri falaya awoodda iyo hantida qaranka ayay tahay in golahani ay si rasmi ah u waajahaan.

Maadaamaa garsoorka uu yahay tiirka sedexaad ee awoodda, sidoo kalana yahay awood iskeed u madax banaan, waa in aysan ku milmin kooxaha siyaasadda iyo dadka xilalka sare haya.

Goobjoog News