U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Ku Baaqay In Sanadkan Noqdo Midkii Fulinta Ballan-qaadyada

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo qoraal khamiistii ka soo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa dhammaan xubnihiisa waxaa ay isku raaceen in qeybaha kala duwan sanadkan ka dhigaan midkii hirgelinta iyo fulinta.

Golahan waxaa ay ka wada hadleen sida ay muhiimka u tahay in horumar laga gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loogu diyaar-garoobaayo doorashada 2020/2021, waxaa kale uu soo dhoweeyay heshiiskii 5 November ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ka gaareen arrimaha amniga, federalism-ka, waxaana dowladda loogu baaqay in ay wada-hadalka maamullada kala gasho dhameystirka dastuurka, doorashada, maaliyadda federaalka iyo qeybsiga awoodda iyo kheyraadka.

Golaha ammaanka waxaa uu walaac ka muujiyay siyaasadda aan daganeen iyaga oo qeybaha kala duwan ku booriyay  in ay xaliyaan khilaafaadka siyaasadeed ee jira, waxaa ay soo dhoweeyeen shirkii amniga ee December iyo in hadaf mideysan laga yeesho arrimahaasi, waxaa ay sidoo kale golaha booriyeen in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo heshiiska amniga oo amniga dalka ay AMISOM ugu gacan-gelin-doonto dowladda Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka waxaa ay walaac ka muujiyeen dhibaatada soo wajahdo malaayiinta gaar ahaa caruurta ku barakacdo gudaha Soomaaliya, saameynta isbadalka cimmilada, khatarta gaajada iyo in loo baahan-yahay taageero sakhinnimo oo caalami ah.

Goobjoog News