U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Sheegay Iney Ka Go’an Tahay Xasilinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shegay iney ka go’an tahay xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, islamarkaana ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya si loo soo afjaro dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in goluhu mar walbo dadaal dheeraad ah ku bixin doono sidii Al-shabaab loo soo afjari lahaa, loona xoonjin lahaa dagaallada lagula jiro.

Waxay sheegeen sidoo kale in ay aad u daciiftay awoodda Xarakada Al-shabaab, islamarkaana waxay ku baaqeen in lala dagaallamo cid walbo oo taakuleysa Al-shabaab gacan adagna lagu qabto.

Dhinaca kale golaha ayaa cambaareeyey qaraxii Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News