U bood dhigaalka

Goobaha Ganacsiga Magaalada Garoowe Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Goobaha ganacsiga magaalada Garoowe  ee caasimadda maaamulka Puntland ayaa maanta  xiran, iyadoo ganacstada magaaladaasi ay ka cabanayaan  sarifka lacagta dollarka oo aan lahayn xisaab sugan, ganacsatada ayaa waxay dhigayaan dibadbaxyo ay ku muujinayaan cabashadooda ku aadan in wax laga qabto sarifka lacagaha.

Mid kamida ganacasatada  sarifleyda magaalada Garoowe oo lahadlay Goobjoog News, ayaa waxa uu sheegay in lacagta doolarka aysan lahayn sal adag, waxa uu intaasi ku daray in arrintaan ay saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Garoowe ee caasimada u ah Puntland.

“Maalin kasta doolarka wuu is badbadalayaa Labo habeen oo is xigta isku meel ma joogo” ayuu yiri Ganacsadahan.

Dhaqaale xumidan ayaa waxa uu ku sheegay inay keenayso Khudaarta iyo Khaadka oo Labada magaalada Garoowe kaga yimaada meello fog fog, isagoo tilmaamay haddii maamulka uu dhihi lahaa gobol kasta lacagtiisa ha haysto ay maanta xaaladda ay sidaan dhaami lahayd.

“Arrintaani dhaqaale xumida ah waxaa keenaya dhinacyada Khudaarta iyo Khaadka, haddii la dhaho gobol ka gobol khaat uma gudbin karo , Garoowe waxaa yimaada Shan Gaari  oo lacaga oo laga keeno magaalada Laascaanood, haddii la dhaho meelba meel uma gudbi karto lacagteeda ha haysato, maanta xaaladda aan ku jirno sidaan way dhaami lahayd”.

Ganacsatada sarifleyda ayaa waxaa soo wajahday arrimo culus oo kaga imaanaya dhanka lacagta doolarka maraykanka kuwaas oo ay sheegeen inay maalin kasta ay kala kulmaan waji cusub.

Intii lagu guda jiray bishaan ayaa maamulka puntland waxa uu ganacsatada kula kulmay magaalada Boosaaso ee xarunta ganasiga puntland iyagoo kulamo la xariira jaangoynta sarifka lacagaha  halkaasi ku yeeshay  balse majiraan arrintaan  wax laga qabtay.

Goobjoog News