U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Oo Shaaciyay Waqtiga La Soo Gabagabeynayo Doorashada Golaha Shacabka

Nofeembar 11, 2021

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah doorashada golaha shacabka ay u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in sidoo kale doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeyn doono 24 bisha soo sicota ee December.

Hoos ka akhriso war-saaxafadeedka Guddiga doorashooyinka Heer federaal.