U bood dhigaalka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Oo Sheegay Inay Hayaan 1219 Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in Cabashooyinka ay Hayaan ay u badan yihiin kuwa musharixiinta oo sheegaya in loo Caga jugleeyn Amni ay la kulmaan.

Guddoomiyaha Gudigaasi DR.  Cabdirisaaq Barre Jaamac ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay hayaan Cabashooyin loo soo Gudbiyey oo gaaraya 1219 Cabasho kuwaasoo ka yimid Musharrixiin rag iyo dumar isugu Jira.

Guddoomiayaha ayaa sheegay in xarun kasta oo Doorasho ayka dhacayso ay u direen Xubno Horudhac ah Sida Cadaado oo labo Maalin ka hor ay gaareen xubno ka socda guddigooda si loo soo aruuriyo cabashooyinka jira.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Guddigoodu uu Awood u leeyahy iney qaadaan Dacwadaha Musharrixiinta goob kasta oo doorasho ay ka dhacaysana ay kor joogto ka noqon doontaa.

“Cabashooyin ayaa jira oo guddigeenna uu hayo taasoo inooga timid musharrixiinta u tartamaya xilalka ee rag iyo dumar cabashooyinka aan heyno waxay gaarayaan 1219 waxa weeye guddigeenna meel walba oo doorasho ka jirto waa uu joogaa” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Muddooyinkii dambe waxaa soo ifbaxayay cabashooyin ay jeedinayeen musharrixiinta qaar oo ay ka cabanayeen in aan laga qeyb galin doorashooyin dhacay siyaasado jira awgood halka kuwa kalena ay ka cabanayaan faragelin lagu hayo ergada wax soo dooranaysa.

Lama oga qaabka ay u mari doonaan xalinta cabashooyinkani guddigani oo ay shaqadiisu tahay, waxaana dhowaan la filayaa in magaalooyinka dowlad goboleedyadu ay ka billowdaan doorashada aqalka hoose ee golaha shacabiga.

Goobjoog News