U bood dhigaalka

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Sheegay iney Soo Gaartay 1219 Cabasho 

Sheeko:Dalka

Dr. Cabdirisaaq Barre guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddo labo isbuuc ah gudaheed ay ku qabteen Cabasho gaaraysa illaa 1,219 oo dhinacyo kala duwan ka soo gaartay.

Dr. Cabdirisaaq Barre ayaa ugu horreyn ka hadlay goortii ay shaqadooda bilaabeen inta xubnood oo ay ka kooban yihiin iyo howsha loo igmaday;

“Guddigu waxa uu howshiisa bilaabay 6 bisha October, wakhtigaas ka hore ayay habbooneyd in guddiga la aasaaso, ha- yeeshee wakhtigii yaraa ee guddigani jiray waxa uu qabtay waxyaabo farabadan. Guddigu waxa uu ka kooban yahay 25 xubnood oo iskugu jira dad miisaan weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda oo ay ka mid yihiin dad wasiirro hore ahaan jiray,  xildhibaanno hore, janaraallo, dhakhaatiir, looyarro, runtii bulshada Soomaaliyeed dad macno iyo miisaanba ku leh ayuu guddigu ka kooban yahay, 6 bisha oo guddigu kulankiisii ugu horreeyay yeeshay waxa uu ka shaqeynayay qaanuunkii iyo nidaamkii uu ku kala hagi lahaa khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka 2016, maadaama howsha loo igmaday tahay inuu guddigani xalilo waxyaabaha khilaafaadka ah ee ka dhasha doorashooyinka”.

Gudoomiyuhu waxa uu xusay iney isku qeybiyeen kooxo goobjoog ka ah goobaha ay ka dhacayso doorashooyinka;

“Guddigu waxa uu isku qeybiyay kooxo gobol kasta oo doorasho ka dhacayso waxaa tagay 3 xubnood oo ka tirsan guddiga, kooxdii ugu horreysay waxay baxday 22 bishan oo Galmudug bay tagtay, dhamaan todobada xarumood maanta waxaa ku sugan mid kasta 3 xubnood oo guddiga ka mid ah, sidaa darteed guddigani waxa uu u taagan yahay inuu xalilo wixii cabasho ah oo doorashada ka dhasha, si ay u noqoto mid lagu kalsoonaan karo”.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay iney qabteen cabasho 1219 gaareysa oo ka soo gaartay dhinacyo kala duwan;

“Illaa iyo hadda waxaa nasoo gaaray 1219(Kun labo boqo iyo Sagaal iyo Tobon) cabasho, 10 bisha illaa iyo 26 bisha, sida muuqata aad ayay u farabadan yihiin, dhamaantoodna maaha wax aan annagu xalili karno ama go’aan ka gaari karno, sidaas darteed howshayadu waxay ku eegtahay cabashooyinka la xiriira doorashooyinka, howshayadu maaha inaanu u garqaadno is haysadka qabaa’ilaadka oo laga yaabo inuu salkiisu yahay oo dabeecad kale uu leeyahay is haysad koodu, xilkayagu waxa uu yahay cabashooyinka aan qabaneynana ugu muhiimsan, cabashada ka timaadda musharaxa, waxaa ku xigta midda odaal dhaqameedka 135 xubinta ka midka ah, nabadoonada haddii uu la tashan waayo, cabashooyinka laga qabo guddiyada doorashooyinka maamulaya”.

Guddoomiye Cabdirisaaq Barre ayaa faahfaahiyay cabashada soo gaaraysa dhinacyada ay ka kala timid iyo sida ay u qeybsan yihiin, waxa uuna yiri;

“Cabashooyinka nasoo gaaraya waxay u qebsan yihiin; xubno musharixiin ah oo rag iyo dumarba leh oo sheegay iney soo gaareen cabashooyin caga- jugleyn ah lagula kacay, dumar leh waxaa noo muuqata in la baalmaray qoondadii loogu talogalay, waxaa kale oo ka mid ah dad qaba in dad aan la hayn xaqii ay ergada ku noqon lahaayeen ama aan soo buuxin shuruudihii ergonimada ama musharaxnimada loo ogolaaday iney ergo noqdaan ama musharax noqdaan, cabashooyinkaa ayay u badan yihiin kuwa nasoo gaaraya, waxaan cabashada ka qabneynaa qofku marka uu soo buuxiyo shuruudihii ay ku xireen guddiyada maamulaya doorashooyinka, taas oo ah mark ugu horreysa inuu bixiyo lacago 1000(Kun dollar) ah, lacagtaas maaha mid aan anagu maamuleyno guddoon ahaan, waxay ka mid tahay miisaaniyadda loogu talogalay doorashooyinka, lacagtaa marka uu bixiyo, ogaalnishihiisana soo qaato dacwadda waan qabaneynaa, muddo 5 maalmood ah ayaan u qabaneynaa inaanu jawaab ku soo siineyno , waxaana la hubinayaa dacwaddiisu iney sax tahay iyo in kale, lacagta laga qaadayna mid la celinyo maaha”.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in goobta dacwadda lagu go’aaminayo ay goobjoog ka ahaanayaan saaxaafadda, beesha caalamka iyo maamul goboleedka iyo dowladda dhexe labadaba iyadoo go’aanka halkaa lagu gaaraa uu noqonayo mid kama dambeys ah.

Garnaqa khilaafaadka waxaa saldhig u ah, shareecada Islamaanka, go’aanadii ay madashu gaartay, shuruucda dalka u yaalla iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida.

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa la filayaa iney si habsami leh uga bilaabato dalka iyadoo hadda ay ku dhawdahay gabagabo doorashadii aqalka sare ee Baarlamaanka oo gobollada intoodii badneyd ay soo gudbiyeen xubnaha u matalaya.

Goobjoog News