Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay wadada Laamiga ee Buulo Xuubey

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf ayaa maanta dhagax dhigay wadada Laamiga Buulo Xuubey oo burbur xoogan ka muuqdo.

Jidkan lacagta ku baxeysa ayaa la qorsheeyay in ay noqoto 1.155$, waxaana laga qaadi doonaa maamulka degmada iyo bulshada ku dhaqan degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf oo dadka la hadlay ayaa ku baaqay in laga qeybqaato dib u dhiska xarumaha danta guud oo waddooyinka ay ku jiraan.

Waxaa Munaasabadda xariga looga jarayey mashruucan joogay guddoomiyaha Degmada Wadajir ee gobolka banaadir Axmed Cabdulle Afrax , Taliyaha qeybta guud booliska ee gobalka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab iyo Xildhibaan Bishaara Cabdi Diiriye.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW