U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo Ka Warbixiyay Shir Looga Hadlay Maalgeshiga oo Ka Dhacay Istanbul

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Iyo warshadaha Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Cali’ Gabeyre’ oo ku sugan Istanbul ayaa wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News.

Maxamuud Cabdi Gabeyre ayaa sheegay in galabta uu Istanbul ka dhacay shir  ku saabsan Maalgeshiga kaas oo dhex maray labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Shirka oo labo qeyb loo kala qaaday, waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay qeybta hore,  waxaana goobta ka hadlay wasiiro ay ka mid yihiin wasiirrada arrimaha dibadda iyo  ganacsiga ee Soomaaliya.

Dhanka dowladda Turkiga waxaa u hadlay Axmed Sami oo Turkiga wakiil uga noqon doona Soomaaliya dhanka Maalgeshiga.

Shirkan Soomaaliya iyo Turkiga waxaa xoogga lagu saaraa Maalgeshiga xagga xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, Tamarta, warashadaha iyo dhismaha.

Shirka qebtiisa labaad ayaa la isku soo laabanayaa cishaha iyo cashada kadib, waxaa lagu wadaa in ay ka hadlaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Abdirashid Ali Shermarke iyo ra’isul Wasaare ku xigeenka Turkiga H.E Lütfi Elvan

Wararka Shirka kala soco Goobjoog News