U bood dhigaalka

Guddoomiye lagu dhaawacay magaalada kismayo

Sheeko:War

Waxaa ku dhaawacmay weerar ay xalay dabley ka tirsan Al-shabab ku qaadeen hoygiisa Maxamed Sugoow, gudoomiyaha xaafadda shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Sidaas waxaa war-baahinta u sheegay mid kamid ah ehellada guddoomiyaha oo sheegay in weerarku uu dhacay saqdii dhexe ee xalay. Ehelladu waxey sheegeen in ujeedka dableyda uu ahaa dilka gudoomiyaha balse ay ka soo gaareen ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Wararku waxey sheegayaan in ciidamada maamulka Jubba ay dileen nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-shabab kuna howlanaa miino aas taasoo ciidanku fashiliyeen.

Sida uu soo warieyey Radiyaha Bar-kulan, Taliyaha ciidanka amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba Gaboobe Xasan Barre ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo xusay inay ku raad joogaan maleeshiyada miinada aasaysay.

Wararka Goobjoog