U bood dhigaalka

Hal-abuur Cusub: Muqdisho Iyo Naqshadeynta Dharka Dumarka

Sheeko:Dalka

Gabdhaha naqshadeeya dharka dumarka waa kuwa ku yar guud ahaan Soomaaliya,  waxaana suuragal ah in gobolo badan oo dalka ka mid ah aanan laga helin.  Sidaa darteed inta badan gabdhaha Soomaaliyeed waxaa ay ku labistaan dhar lagu soo naqshadeeyay dalka dibaddiisa

Balse Samiira Maxamed Yusuf waa ay ka duwantahay gabdhahaa aan ka soo hadalnay. Waa gabar in muddo ah naqshadda dharkeeda sameysata balse hadda waxaa ay u gudubtay in gabdhaha kale ee Soomaaliyeed ay ugu faaideyso hal-abuurkeeda.

Waxaa ay hadda bilowday in ay hiwaayadeeda iyo hal-abuurkeeda u badasho ganacsi,  waxaa ayna ku bilowday in gabdhaha ay iyada isgaranayaan jeclaadeen hal-labiskeeda kadibna  halkaasi ganacsi ka abuurmay.

“Maadaamaa markii hore aan aniga jeclaa in aan sameeyo ama shaqsi ahaanteyda aan u sameysto dhar aniga ii gaar ah ama gabdhaha kale aanay ila xirneyn oo weliba aniga maskaxdeyda kasoo maaxatay ayaan hadane waxaan jecleystay in aay gabdhaha qaar ee walaalahey ah ee jecel dharka tayada leh in aan hal-abuurkeyga ugu faaideeyo” ayey tiri Samiira Maxamed.

Samiira oo innoo sharxeysa qaabka ay u naqshadeyso dharka iyo waddooyinka ay u marto ayaa tiri “Naqshadeynteyda waxaa asal u aha ama aan ku base-gareeyaa asturnaanta iyo dhar gabdhaha Soomaaliyeed asturaya. Waxaan sameeyaa xijaabyo iyo dhar isqaadanaya oo qofka asturaya qurxinayana”

Hiigsiga Samiira waa mid fog waxaana ay rajeyneysaa in ay heer sare ka gaarto naqshadeynta dharka oo ah xirfad ay hiwaayo u leedahay.

Caqabadaha ugu weyn ee Samiira soo wajaha waxaa kamid ah in aysan cid kale oo ku taageerta hal-abuurkeeda, waana mushkiladaha ugu badan ee soo wajaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka ganacsi leh.

Waxaa kale oo caqabad ku ah qaab suuqgeynta dharkeeda. Dharka iyo naqshadaha ay sameyso waxey kusoo bandhigtaa oo kaliya baraha bulshada gaar ahaan bog gaar ah oo ay Facebook ku leedahay.

Goobjoog News