U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha “Wax Badan Ayaan Ka Qabannay Musuqa”

Sheeko:Dalka

Hanti dhowraha qaranka ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonan cid walba oo musuq isku dayda, islamarkana sharciga ay la hortagi doonan.

Maxamed Maxamuud Cali , hanti dhowraha qaranka ayaa xusay Halkii Sano uu shaqeynayey inuu gudbiyey Toban kiis oo Musuq ah oo lagu helay qaar kamid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inta uu joogo xafiiska ay dhici doonin sida uu shegay hanti qaran oo la musuqo ,isagoo tilmamay in ay wadaaan daba gal ku adan sidii mar waliba loo soo bandhigi lahaa cid waliba oo lagu helo isdaba marin hantida qaranka.

“Masuuliyadda Xafiiskaan Saaran waxa ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneynano waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah, 1- Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay, 2-Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay iyo tan Sadaxaad oo ah baaris gaar ah oo aan ku dabagalno qaladaadka ay noo soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo aan u saxno sidii loogu talagalay”

“Islaxisaabtanka Xafiiska hantidhowrka ayaan ka bilaawnay, markii aan kala saarnay Shaqaalaha xafiiska ka howlgalayay kadib waxaa nooga soo baxay dad Khibrad iyo aqoon u leh shaqada, annagoo bedalnay 4 agaasime, waxaa baaris iyo dabagal lagu sameeyay dhammaan hayadaha dowladda rayidka iyo ciidankaba, sida kuwa Amniga oo aan baaris ku sameynay, talooyin ama qaladaadkii nooga soo baxayna waxaan la wadaagnay xafiisyadii ay quseysay” ayuu yiri Hanti Dhowraha.

Xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan lagu eedeeyey iney sameeyeen Musuq, iyadoo dhanka kale ay jiraan saraakiil xabsiga la dhigay kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.

Goobjoog News