U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Nabad Ugu Baaqday Maamullada Puntland Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed u dirtay maamullada Somaliland iyo Puntland oo dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka hay’addaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in dagaal hadda dhaca aanu shacabka Soomaaliyeed faa’ido u lahayn, islamarkaana la doonayo in dhinacyada is haya ay wax walbo nabad iyo wada hadal ku dhameeyaan.

Waxa uu tilmaamay Sheekha in shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kasoo daaleen muddo ku dhow 30 sano loona baahan yahay nabad iyo kala dambeyn.

“30 sano ku dhow bay xabad dhacaysay oo wax la dilayey wax natiijo ahna lagama hayo, waxaan ka digeynaa in dhacabka Soomaaliyeed lagu sameeyo barakac, dhibaato iyo dhiig daata, waxaan ugu baaqeynaa Somaliland iyo Puntland in nabad ay wax walbo ku dhameeyaan” ayuu ayiri Sheekh Nuur.

Ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag, waxaana weli la dareemayaa xiisad Labada dhinac u dhaxeysa.

Goobjoog News