U bood dhigaalka

Hiiraan: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Gaarey Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, iyaga oo gaarey deegaanno ay horey u maamuli jireen Xarakada Al-shabaab.

Waxay ciidamadan la wareegeen deegaannada kala ah Beerxaano, Baardheere iyo deegaanno kale oo qiyaastii 30 dhanka Koonfur bari ka xiga magaalada B/weyne.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee hoggaaminayey howlgalkaan ayaa saxaafadda u sheegay in howlgalkan uu yahay mid sii socon doono, islamarkaana ay tagi doonaan deegaanno kale oo hor leh, kana mid ah Hiiraan.

Korneel Xasan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaarsan yihiin in magaalada B/weyne iyo nawaaxigeeda ay ka tirtiraan Xarakada Al-shabaab.

“Annaga waxaan u soconnaa in Al-shabaab aan ka tirtirno B/weyne iyo guud ahaan gobolka, waxaan u sheegayaa haddii ay jiraan Shabaab ku dhuumanaya B/weyne isaga soo bax, annaga magaalada waan kusoo laabaneynaa, wey dhammaatay dadkii aad dili jirteen iyo Miinooyinka aad shacabka ku leynayseen, tuulo walbo oo aad gashaan waan idiin ka daba imaaneynaa” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa deegaannadii ay tageen waxay ka bilaabeen biyo iyo dawo qeybin, maadaama halkaasi ku noolaayeen shacab gurmad u baahan.

Goobjoog News