U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Al-shabaab Oo 5 Askari Ku Dishay Inta U Dhaxeysa Jowhar Iyo Balcad

Sheeko:Dalka

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo marayey wadad xiriirisa Jowhar iyo Balcad.

Ciidamada la weeraray ayaa ka soo ambabaxay magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabelle, waxayna ku soo jeedeen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Ilo Wareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Al-shabaab ay gubeen gaari dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku socdaalayey Jowhar iyo Balcad inta u dhaxeysa, ayna ku dhinteen shan askari.

Ilo Wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan lagu qaaday ciidamada uu dhaawac ka soo gaaray afar qof oo kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Weearakan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudle Xuseen iyo qaar ka mid ah xildhibaannada maamulkaas ay ku safreen wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad waxaa ayna sheegeen in ammaanka wadada uu aad u fiicanyahay.

Goobjoog News