U bood dhigaalka

Human Rights Watch: Al-shabaab Caruurta Ay Qasab Ku Wataan

Sheeko:Dalka

Hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay sheegeysaa in ay gobolka Bay kula kulantay qoysas ay Al-shabaab ay ka wadateen caruurta.

Human Rights Watch waxaa ay intaasi ku dartay macalimiinta dugi qur’aanka iyo bulshada deggan goobaha baadiyaha lagu qasbo in caruurtooda illaa da’da 8 jir ah xarakada u soo diraan si loo tababaro

Hey’adda waxaa kale oo sheegeysaa in ay jiraan caruur badan oo guryahooda ka baxdasay kuwaas oo aan la ogeen meel ay cag iyo jaan dhigeen kadib markii ay diideen in ay ku biiraan xarakada.

Sida warbixinta lagu sheegay booqasho dhowaan ay ku tageen Baydhabo waxaa ay la hadleen illaa 15 qof oo ka yimid goobaha ay heystaan Al-shabaab sida Berdale, Baidoa, iyo Burhakaba, dadkan waxaa au sheegeen in arrintan bilaabay bartimihii 2017.

Dad ka tirsan deegaanka Berdale waxaa ay maamul goboleedka u sheegeen in ay doonayaan dagaal balse wax gacan ah laguma siin ayaa qoraalka ku jirta, waxaa kale oo la sheegayaa in Bulo Fulay tusaale ahaan ay qorteen Al-shabaab caruur da’dooda u dhaxeyso 9 illa 15, qofkii diidana waa loo hanjabay.

Akhriso, warbixinta oo Ingiriis ah

Al-shabaab kama hadlin weli warbixintan Human Rights Watch iyo sida ay wax uga jiraan.