U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga heyalaa dagaallo u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka dhacay deegaanka Ceel Afweyne ee gobolka Sool.

In ka badan 10 qof oo dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah isugu jira ayaa dagaalladaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in  weli xiisadda ay ka jirto Ceel Afweyne iyo sidoo kale deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi.

Maleeshiyaadkaan dagaallamaya ayaa markii hore dagaalkooda kasoo billowday dhulal daaqsin ah oo la isku qabsaday.

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku damiyaan xiisaddan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeen kale

Goobjoog News