U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Bilaabeysa Koronto Ka Dhallinta Biyo Xireenka “Nahda”

Sheeko:Dalka
Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa axaddii sheegtay in Adis Ababa ay bilaabeyso tijaabada sidii koronto looga dhallin lahaa Biyo Xireenka “Nahda”.
Biyo-xireenkan “Al-nahda” oo laga dhisay webiga “Blue Nile” waa dhul 40 KM ah oo dhaxeeya Suudaan Iyo Itoobiya, waxaa lagu bilaabi-doonaa in uu dhalliyo illaa 6.450 megawatts oo koronto sida ugu dhaqsaha badan.
Hailu Abraham, oo ka tirsan mas’uuliyiinta mashruuca oo la hadlay wakaaladda Xinhua ayaa  sheegay 3 tubbo oo midkiiba tahay 375 MW ay dhowaan bilaabi-doonaan koronto dhallin.

Abraham, waxaa uu intaasi ku daray in Itoobiya ay tabaruc kale u raadineyso munaasabadda 7 sano kadib markii la bilaabay dhismaha “A-nahda” si loo dhammeystiro mashruucan oo illaa hadda la dhisay 64%.

Korontada laga dhalliyo biyo-xireenka waxaa la sheegayaa in marka hore 50% laga iibin-doonno dalalka dariska la ah Itoobiya, iyada oo mar dambe la gaarsiin-doonno dalal badan oo galbeedka, waqooyiga qaaradda ah illaa Tanzania dhanka koonfureed.

Itoobiya ayaa bilowday dhismaha Biyo xireenkan 2011-kii, waxaa uu noqon-doonnaa biyo-xireenka ugu weyn qaaradda Afrika, awooddiisa waa 74 billion cubic meters, lacagta ku baxeysa dhismihiisa waa 4.7 billion dollars.

Goobjoog News