U bood dhigaalka

Kenya Oo Mar Kale Ka Digtey Weeraro Al-shabaab Ka Fuliyaan Mandhera

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney jirto cabsi ku aadan in Xarakada Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Mandhera iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ah.

Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in shacabka la farayo iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago qataraha Al-shabaab.

Waxay dowladda Kenya ay si gaar ah ugu digtey dadka aan Kenyanka ahayn ee ku sugan Mandhera si aanay dhibaato usoo gaarin.

Sidoo kale wararka laga helayo Lamu ayaa iyana waxay sheegayaan in halkaasi ay isaga baxeen ajaaniibtii ku sugneyd, kadib markii ay ka baqeen dhibaatooyin ay kala kulmaan Al-shabaab.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxay dowladda Kenya ay shacabkeeda uga digeysay iney weeraro ka geystaan deegaanno kamid ah dalkaasi, dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News