U bood dhigaalka

Kenya oo Sheegtey In Ay Dishey 100 Alshabaab Ah

Sheeko:Dalka

RutoMadaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegey in ay u aareen dadkii lagu laayay baska, islamarkaasina dileen illaa 100 ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo iyagu uu sheegey in ay ka dambeeyeen weerarkii baska lagu qaaday daraad, laguna diley 28 qof oo aanan Islaam ahayn.

Wuxuu sheegey in ay duqeeyeen saldhigyo ay leeyihiin Alshabaab oo laga soo abaabuley weerarkii lagu qaaday baska, wuxuuna intaasi raaciyey in dulqaadkii uu ka dhamaaday, wixii hadda ka dambeeyana ay meel kasta oga dabo gali doonaan Alshabaab.

Dhanka kale Alshabaab oo jawaabay hadalka Kenya ayaa sheegey in dadkii weerarka geystey ay badqabaan, aysana jirin sheegashada Kenya.

Goobjoog News