U bood dhigaalka

Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Hanaanka Dib Loogu Celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dalkeeda Ku Sugan

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in marka la fiiriyo heshiiskii Seddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowlada Soomaliya Kenya iyo hay’ada qaxootiga ee UNHCR aysan jirin tiro badan oo qaxooti ah kuwaas oo dib loogu celiyay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dadka ku laabtay Soomaaliya ay aad u yaryihiin iyadoo qaxootiga Kenya jooga ee Soomaaliya ka yimid ay tiradoodu tahay 50,000 oo qaxooti ah.

“Kuma faraxsani qaabka loo fuliyey heshiiskii aan wada gaarnay bishii April ee sanadkan iyadoo aan wax badan lagu guuleysan in laga qabto xaaladda qaxootiga” ayuu yiri joseph Nkaissery.

Nkaissery ayaa sheegay in Kenya ay u aragto heshiiska Seddex geesoodka ah ee laga gaaray qaxootiga Soomaaliyeed uu u yahay muhiim dadka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu dhisan lahaayeen dalkooda gaar ahaan ka hor doorashada ka dhaceysa dalka Soomaaliya sanadka 2016-ka.

Wasiirku wuxuu sheegay maqnaanshaha taageerada bulshada caalamka ee dib u celinta qaxootiga uu keenay inuu gaabis ku yimaado qorshaha dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed.

Wasiirka wuxuu ku booriyey bulshada caalamka iney taageeraan qorshaha lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed isagoo sheegay in shir ka dhacaya magaalada Brussels bisha October lagu soo hadal qaadi doono qaxootiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya wuxuu sheegay iney tahay mid muhiim ah in hay’adaha gargaarku ay ka qeybqaataan dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed loona abuuro dadkaas kaabayaashii ay ku noolaan lahaayeen.

Wasiirku wxuu tilmaamay in Kenya waajib weyn ka saaran yahay sidii ay u sii wadi lahayd masuuliyada ka saaran qaxootiga inagoo kala shaqeyneyna ayuu yiri saaxiibadeen sidii loo sii kordhin lahaa taageerada qaxootiga,

Qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga dalka Kenya ayaa tiradooda lagu sheegay 500,000 kuwaasoo joogay xeryaha qaxootiga ee Kenya in ka badan 20 sano.

Goobjoog News