U bood dhigaalka

Kenya: Shacabka Oo u Dareeray Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan dalka Kenya ayaa u dareeray saakay oo Khamiis ah doorashada muranka ka jiro ee madaxweynaha.

Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay, waxaana tartankaan isaga haray hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Ra’ila Oding, kadib markii lagu guuldareystay in wax laga qabto cabashadiisa.

Waxaa jirta cabsi ah in rabshado xooggan ay ka dhacaan dalka Kenya, maadaama mucaaradka Kenya ay haystaan taageerayaal aad u badan.

Wadamada daneeya Kenya ayaa ku baaqaya in xaaladda la dejiyo, islamarkaana la adkeeyo ammanka, lana eego sidey wax u dhacayaan.

Odinga ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa ineysan ka qeybqaadan doorashooyinka, sababtuna waxay tahay guddiga doorashada ayaan isbedal lagu sameyn, maxkamadana sarena waa ay ku fashilantay wax ka qabashada cabashada Odinga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News