U bood dhigaalka

Kenyatta: Qorbojoogta Soomaalida waa in Maalgelin Ku Sammeeyaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo gabagabadii shirka IGAD ee Muqdisho saxaafadda kula hadlay hotelka shirka ayaa ammaanay sida Soomaaliya u martigelisay shirka madaxeedka IGAD.

Kenyatta oo shirka jaraa’id ay ku wehliyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina waxaa uu codsi u diray qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo maalgeshiyaasha caalamiga ah in ay maalgelin ku sameeyaan gudaha Soomaaliya.

“waa markii iigu horreysay Muqdisho laakin ma noqon doonto markii iigu dambeysay” sidaa waxaa saxaafadda u sheegya Kenyatta.

Madaxeweynaha Kenya waxaa uu mar kale ku celiyay sida dalkiisa uga go’antahay garab istaagga Soomaaliya dhinac walbo isagoo sidoo kale ammaanay horumarka uu dalka sameeyay.

Wararka shirka, kala soco, Goobjoog News